Toddobaadkii hore hanjabaad ka timid Kuuriya Waqooyi ayaa waxa ay ahayd in ay gantaalada riddada dheer la beegsan doonaan jasiiradda Maraykanka ka tirsan ee Guam, haddaba wariyaha BBC-da Rupert Wingfield-Hayes ayaa booqasho ku tagay jasiiraddan si uu wax badan oga ogaado muhiimadeeda.
Marka aad joogtid jasiiradda Guam ee Maraykanka waxaa aad kuugu dhow Manila ee dalka Phillipine in ka badan inta ay kuu dhowdahay magaalada Los Angeles ee Maraykanka.
Ma Aasiya mise Ameerika?
Dhulka Maraykanka ee ugu dhow Guam waa jasiiradda Hawai oo u jirta 6,400 km dhanka bari halkaasi oo ay u tahay maalin arboco ah, halka Gaum ay tahay maalin khamiis ah oo ay cadceeda sii dhacayso.
Layaabna ma lahan in dadka reer Guam ay dareemayaan in ay yihiin dad American ah oo la hilmaamay.
Iyada oo la joogo casrigii dadka soogalootiga ah ayaysan Guam uba akayn dhul Maraykan ka tirsan, garoonka diyaaradaha waxaa buuxiyey qoysan dalxiisayaal ah oo diyaaradaha kasoo daganaya, iyaga oo ka yimid magaalooyinka Tokyo iyo Osaka oo Japan ah iyo Seoul iyo Busan oo Kuuriyada Koonfureed ah.
Dalxiisayaal gaaraya 1.5 milyan ayaa sannad kasta buuxiya xeebaha Guam, baddankoodna waxa ay ka yimaadeen dalalka Japan iyo Kuuriyada Koonfureed. Iyaga waxa ay u tahay Ameerika oo loo keeney meel u dhow oo ku taala badda Asia.
Dalxiisayaal Guam ku suganLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption
Dalxiisayaal Guam ku sugan
Ganacsiga baabuurta laga kireeyo dalxiisayaasha ayaa ah mid macaash badan laga helo, iyada oo lammaanayaasha da’da yar ee Kuuriyada Koonfureed u dhashay ay waddooyinka iska mushaaxaan.
Waxaa halkani ku yaala goobo lagu shiish barto, waxaana ka jira ganacsi dhaqdhaqiisa fiicanyahay oo arrintan ku saabsan, iyada oo dalxiisayaasha Japan u dhashay ay aad u jecelyihin in ay qaataan qoriga M16-ka loo yaqaano, kaasi oo ah wax sharci daro ka ah dalkoodii ay ka yimaadeen.
Madaxbanaani ama xuquuq dhamaystiran
Dad mudaaharaadayaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption
Dad mudaaharaadaya
In jasiiradan ay ka tirsantahay Maraykanka waa shil taariikheed oo horey u dhacay, waxayna arrintan ka dhalatay dagaalkii Maraykanka iyo Spain dhexmaray sanadkii 1898-dii.
Waxay ka mid ahayd heshiiskii Maraykanka loogu wareejiyey dalalka Puerto Rico iyo Philippines.
Balse markii dambe Philippine waxa ay qaadatay xoriyad, halka Guam illaa maanta ay ka mid tahay dhulweynaha Maraykanka, balse leh ismaamul hoosaad u gaar ah.
Dadka jasiiradan u dhashay sharci ahaan waa mudhiniin Maraykan ah, balse ma lahan xaqa in ay u codeeyaan doorashada madaxweynenimo ee Maraykanka.
Xitaa xildhibaanadda aqalka Congress-ka ee halkan laga soo doorto ma lahan xaq ay codkeeda ku dhiibato marka Congress-ka uu u codeyno hindise sharciyeed.
Qofkasta oo ka tirsan dadka degan jasiiraddan waxa ay aaminsanyahay in xaaladan ay tahay mid aanan sii socon karin, waxa ay kuu sheegayaan in Guam ay tahay in xornimo la siiyo ama laga dhigo maamul goboleed buuxa oo ka tirsan gobolada Maraykanka.
Dadka halkan degan waxaa loo yaqaanaa Chamorro, awoowayaashood ayaa 4,000 sanno ka hor halkan yimid, si la mid ah dadka ku nool Hawai iyo Samoa waxa ay shaki badan ka qaban aqoonsigooda dadnimo ee Maraykanka.
Todobaadkan gudihiisa, dad ka mid ah kuwa u ololeeya xornimada ayaa isugu yimid dariiq ka mid ah magaalada ugu weyn jasiiradda ee Hagatna, iyaga oo sita boorar ay ku qoranyihiin hal-ku-dhegyo ay aragtidooda ku cabirayaan, balse baabuurtii jirka maraysan ayaa ku yeerinayay hoonka si lid ku ah iyaga.
Saldhigyada militariga ugu waaweyn ee Maraykanka
“Ciidamada Maraykanka ayaa fadhiya 27% dhulka Gauman, dhulkaasi in badan oo ka mid ah waxaa laga kiciyey qoysan Chamorro ah dagaalkii labaad ee adduunka, ma ahan wax aan ogol ka wada nahay, waxaan nahay dadka asal ahaan dhulkan loogu yimid, waxaan halkan joognay kumanaan sanno, horrey ayaan dhexda ugu galnay xasarado aanan na quseynin, mana rabno in markale ay taasi dhacdo” ayuu yiri Kenneth oo ka mid ah dadka banaanbaxa qabanqaabiyey, isaga oo ka walwalsan hanjabaadda Kuuriyada Waqooyi.
Balse joogitaanka militariga Maraykanka ee halkan ayaa dadka Guam u saameysay siyaabo layaab leh.
Ugu yaraan qoys kasta oo halkan degan oo aad la hadasho waxa uu xiriir dhiig la leeyahay militariga, ama abti ayaa ugu jira, adeer qof walaal ah, ama qof ehel ah,.
Celcelis ahaan jasiiraddan waxa Militariga kaga biira wiilasha iyo gabdhaha ugu badan marka la barbar dhigo gobolada kale ee Maraykanka, iyada oo loo eegayo tirakoobka dadka ku nool.
Waxyaabaha arrintani ka qeyb qaadanaya ayaa waxaa ka mid ah faqrinimada haysata dadka Gaum oo ka mid ah meelaha ugu faqrisan Maraykanka.
Dadka ayaa si joogto ah kuugu sheegaya in ay dareemayaan amni maadaamaa militariga Maraykanka uu saldhig weyn ku leeyahay halkan, haddii Kuuriyada Waqooyi ay soo weerartana uu jiro difaac adag.
Balse waa isla sababtaasi tan Kim Jong-un ku dhiirogalisey in uu aad ugu daneeyo bugcadan yar ee dhulka Maraykanka ka tirsan, mana ahan sida ay ugu dhowdahay qaaradda Aasiya.
Daanta waqooyi ee jasiirada waxaa ku yaala saldhig cirka ah oo aad u weyn, kaasi oo ku qarsan kayn weyn oo halkaasi ku taala gadaasheeda, waxaana dhabbaha diyaaradaha diyaar ku ah diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaano B1 ee wax duqeeya oo iyagu heegan ugu jira in ay ka jawaabaan weerar kasta oo Kuuriyada Waqooyi ku qaado Kuuriyada Koonfureed.
Dhanka galbeed ee jasiirada oo xeebta ah waxaa sidoo kale ku duugan saldhig badda ah oo ay yaalaan maraakiibta gujisyada oo ay ku rakibanyihiin madaxyo hubka nuyuukleerka.
Balse waxaaba malaha kuwaasi kasii xiiso badan waxa ku qarsan buuraha Guam hoostooda, waxaana halkaasi ah kaydka hubka ee Maraykanka ugu weyn.
Jasiirada waxaa gufarnatoore ka ah Calvo oo ah siyaasi rug caddaa ah, waxa uu ka tirsanyahay xisbiga Jamhuuriga, wuxuuna taageero weyn u yahay madaxweyne Donald Trump.
“Maalintii sabtida ayuu isoo wacay (Trump) wuxuuna ii xaqiijiyey in uu na barbar taaganyahay 1,000% kun jeer” ayuu yiri Calvo.
Calvo si fiican ayuu uga warhayaa muhiimadda jasiiradda u leedahay Maraykanka istaraatiijiyad ciidan ahaan “Halkani waxaa ku kaydsan saanadda military ee ugu badan oo meel Maraykanka ka mid ah taala” ayuu yiri..
Kaydka hubka ee Guam waxaa yaalaa gantaalo iyo bambaanooyin ku filan in Maraykanka uu muddo dheer ku dagaalamo haddii uu dagaal qarxo.
Waana sababtaasi tan Maraykanka muhiimadda intaasi la’eg ay ugu leedahay jasiiraddan, sidoo kalana bartilmaameed oga dhigtey Kuuriyada Waqooyi.